Dhalinyarada iyo haweenka reer awdal iyo salal haka daayeen siyaasiyiintu iyo odayaashu dhaliilaha aan loo meel dayin iyo cabudhinta

Uncategorized

Dhalinyarada iyo Haweenka Reer Awdal iyo Salalba Haka Daayaan Siyaasiyiintu iyo Odayaashuba Dhaliilaha aan loo Meel Dayin iyo Cabudhinta ay ku hayaan inta ugu itaalka yar Bulshada, loogamana Baahna deg deg u libaaxaynta ay ku soo shaac baxayaan Ciyaalka la midka ah kuwa ay dhaleen iyo Haweenka hooyoyinka ah ee waliba ay Madaxnimada u sheeganayaan.

Waxana haboon mar walba inay Jawaab ka bixiyaan meesha Dhigoodu ka hadlo ee ma ahayn iyagoo Masuulnimo sheeganaya inay cadho cid kale u qabaan kula dul dhacaan maatida iyo ubaxa bulshoweynta Reer Adal, Maxa u diidey inay hadlaan marka ay murgaan xaaladaha siyaasadeed ee gobelkeenu ,maxa u diidey in isku mid ah aan xaqeena u doonano ,inoona hadlaan iyago mid ah marka aan u baahano,

Miyaanay aniga wasiira daa Maanta ee yaanla hadlinta aanay ka qurux badnayn in sida beesha dhexe oo kale Jilibkastiba mid iyo laboba helo kuna doodaan kana tashadaan taasi sidii ay u dhici lahayd inta aan mid iyo labo wasiir oo kaliya ila qiyaamaha Gadabuursiyo dhani isku haysto ,ma Jilibyada isaaq ayaan ka liidana ee labobo iyo saddexba haysta waa inay sido kale Jilibyada Gadabursina mid iyo laboba doontaan kuna doodaan iyagoo isku cod ah ,jilib walbana xaqiisa rabo.

Mise Masuuliyiintan,Askarta booliska Boorama, Milatariga,Aqoonyahanka,Ganacsadata,Siyaasiyiinta,Culumaa’udiinka iyo inta Madaxnimada u sheeganaysa dhaliyarada iyo haweenka reer awdal iyo salalba ee awaamirta kala duwan u yeedhinaysa maalin walba sida aamusa, yaanla isdhaqaajin , ma ahayn in sidan la sameeyo, ma qabsan kartiin Koobka kubada Cagta,ma mudaharaadi kartiin,waxba ma diidi kartiin, waxna ma dooran kartiin,isma difaaci kartiin,dhulkiina ma ridan kartiin,waxba ma qori kartiin,nama dhaliili kartiin,waxba nooma sheegan kartiin,anaga la’aanto wax kasta oo aad qabsataan waan idinka masixi doonna amba waan idin habaarayna,xaaraan weeyi waxaasi,waan ku xidhi,hebel ayaan kula socon,waxba ma hayno,lacagba loo baahanyahay,rag baan jirin,iyo nabadda wax kaste ka weyn iyo kalmado kale oo la mid ah ku quudiyanaya ubaxooda dhammaantood dadkani waxay la mid yihiin kuwii uu sheegay ninkii shaacirka aha ee carabkii isagoo leh

‘ Asaddun Calayya, Wa Fil Xuruubi Nacaamatun’ ‘ Aniga markayga waa libaax, marka dagaal yimaadana waa goronyo’

isagoo u jeeday markaasi ciidanka wadankiisu sida ay ula dhaqmi jireen haweenka iyo dadka inta ugu itaalka yar oo libaaxyo ay iska dhigaan marka dagaal cadawga lala galana ayna waxba iska kacelin madaxana foorariyaan , shacabkoodina guul daro bidaan.

Waxan ugu socda Xigmadani carabiga ah een soo qaatay:

dadkeenu iyo masuuliyiinteenuba oo dhani nooc walba ahaadaane ma waxay ka adag yihiin oo libaaxyo iska dhigaan kaliya dadkooda siiba dhaliyarada ,ciyaalka,haweenka,hooyinka, masaakinta, iyo inta ugu itaal yar bulshadooda laakinse marka arrimuhu murgaan ee loo baahdo rag fur fura oo xaqa iyo cadka dadkani soo dhiciya ciday dooniba ahaate maxey u sii muquurtaan oo furaashka u hoos galaan oo waliba qofkii hadlana afka u goostaan ma libaaxyo maatidooda uun cuna kana adagba?

Su’aashan jawaabteda waxan u dhaafaya akhristaayaasha sharafta leh ……..

Msamaron Robleh

number of view: 49

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *